Maamulka Somaliland oo gaari u celiyay Puntland ka dib markii todobaadkii hore laga soo qafaashay

0

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa sheegtay iney dib ugu celisay maamulka Puntland gaari lagala soo baxsaday todobaadkii hore.

Gaariga waxaa leh madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland, Cabdixakiim Cumar Camay, waxaana loola baxsaday dhanka Somaliland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in gaariga lagu wareejiyay saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ee ku sugan aagga Tuka-raq ee gobolka Sool.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ku muransan Siyaasada derisnimo, waxayna sidoo kale isku heystaan deegaano dhowr ah.