Madaxweynaha Dalka Kenya oo amray in la soo xero Milkiilaha dabaqii soo dumay ee ku yaalla Magaalada Nairobi

0

Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa amray in la soo xero milkiilaha dabaqa ku dumay xaafadda Huruma ee magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kaa soo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof.

Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, oo booqday goobta uu shilka ka dhacay, ayaa ugu baaqay dadka ku nool guryaha halkaasi ka ag dhaw in ay meesha ka guuraan.

Mas’uuliyiinta dowladda hoose ee Magaalada Nairobi ayaa xaqiijiyay in dabaqa uu ahaa mid aan la degi karin, isla markaana ay amreen in la dumiyo.

Milateriga Kenya ayaa horkacaya dadaalka lagu badbaadinayo dadka ku hoos jira burburka, waxaana ay adeegsanayaan gacmahooda maadaama aanay aagga geli karin qalabka culus ee loo baahan yahay.

Roob xooggan oo fatahaad sameeyayay, kaasoo shalay galab ilaa xalay ka da’yay Nairobi, ayaa sababay inuu dhismahaasi dumo.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in dhismaha dumay, oo la dhisay laba sano ka hor, uu hoy la’aan dhigay 150 qoys.