Mareexaan: Albaabka Colaada Jubbaland Waa Lasoo Xiray, Waxaa Furmay Albaabka Isriix Riixa Siyaasada, Waxa Socda Iminka Waa Siyaasade La Qabsada.

0

Afeef: Qoraalkayga qofkii garasho fog lehna durbaba waa uu garanayaa ama waa fahmayaa ujeedkiisa, Qofkii meel dhaw wax ka eegayana waxba kama uu Fahmayo, waxaan rajeenayaa inay jiri doonto maalin uu wax fahmo.
Guud ahaan Siyaasiyiinta Jubbaland gaar ahaana kuwa kasoo jeeda Beesha Sade waxa ay soo xireen albaabkii colaada Jubbaland sida dagaalada iyo in qori leysu qaato, waxaana loo dhaqaaqay nabad iyo in xal laga gaaro colaadihii raggaadiyay goboladaas.

Waxaa Jubbaland iminka ka furmay albaabka isriix riixa iyo loolanka siyaasada, albaabkan cusub ee furmay ma uu ahan mid cid lagu colaadinayo ee waa mid u horseedaya Jubbaland inay gaarto horumar, haddii lagaaga adkaado isriix riixa siyaasad macnaheedu ma,ahan colaad iyo naceyb loo qabo beeshaada .(Don’t take personal this is politics)

Marka runta la abaarayo lagana fogaanayo beenta, Aadanaha Allaah subaxaahu watacaalaa abuuray qof walbaa waxa wanaagsan naftiisa iyo ehelkiis waa uu la jecel yahay, shaqsiyan aniga markaan nafteyda ka hadlo waxa wanaanga dhan walba ah waxaan aad ula jecelahay beeshayda SADE, saa oo ay tahayna waa inaan ku xisaabtamaa in Axmed Madoobe iyo Raggiisana ay iyaguna wax walboo wanaag ah ay sidaa oo kale ulla jecel yihiin Beeshooda Ogaadeen, taas macnaheeduna ma,ahan inay neceb yihiin beeshayda SADE ama ay colaadinayaan amaba Jabiyeen Heshiiskii lala galay, balse waxan waa siyaasadoo waxii la doonayo waa lagugu dayayaa haddii ay ku marayaan.

Maalmahan ayaan waxaan arkayay dad meelaha qaylinaya iyo warbaahino aanba qayb ka ahayn halgankii Jubbaland markii lagu jiray,intabadana warkoodu u badan yahay waa la yiri oo leh Heshiiskii Jubbaland waa la jabiyay, Axmed Madoobe Nabad Marabo, Qiyaamo ayay wadaan, waa su’aalle Siyaasiyiinta Mareexaan matala ee Kismaayo ku sugan iminka ma xoolaa sidii la doono laga yeeli karo? war hooy Mareexaan ka fiirsada hadalada qadafka ah ee afkiina kasoo baxaya amaba aad qoreysaan (Baahineysaan) ee meel ka dhaca ah.

Sade1

Axmed Madoobe Iyo Raggiisa haddii ay diidaan amaba kasoo bixin qodobadii heshiiska, haddii ay diidaan nabaddii la qaatay, haddii ay qiyaano iyo sadbursi wataan, waa su’aale ma iyagaa ku dhib qaba mise inagaa ku dhib qabna oo wax naga halaabayaan? Walaaleyaalow bal  miisaan isu saar laba cid cida dhib qabaysa oo wax ka halaabayaan?

Waxaan ku oranayaa Walaalaha meelaha hadaladaas la bow bow lahoow ogaada Siyaasiyiinti ugu cuslaa amaba aan ugu jecleen dadka beesha SADE ee heshiiska galay waa joogaan Kismaayo, Nabad ayay ugu baaqeen reer Jubbaland, gaar ahaana SADE, war heedhahaya soo ma haboona inaan ka war sugno illaa ay ku fashilmaan heshiiskii ay galeen anagana noogu baaqeen?

Mida kale waa inaan fahanaa siyaasadu ma,ahan aayado Qur’aan ah iyo xaadiis ee waa Qiyaamo iyo sidaad bulshada uga gado fikirkaaga, ama ay u qaadato bulshadu (YOOWM LAKA, WA YOOWM QAYRAK), war SADOOW hadaa doonaysaan inaa siyaasada ku guuleysataan islamarkaana aydnaan waxba qiyaamin ama laydin qiyaamin, Walaaleyaaloow siyaasad waxba kama ogidinee maasijada gala oo Soomaaliya ka noqda Macalimiin dugsi Qur’aanka, waloow haddaba Soomaaliya gudaheeda Maasjidii Alle lagu caabudi jirayba iyo dugsiyadii Qur’aanka lagu baran jirayba laga baqayo galidooda ama aadidooda amaba aan lagu nabad galeyn.

Waxaa sidaa u leeyahay Siyaasadu waa is rog rog iyo galaan gal wejiyo badan leh qofkii ama ummaddii aan la jaanqaadi karina waa ku wareeraysaa, Siyaasigu goob qura ma taagnaado,Siyaasaduna waxay mararka qaarkeed ku jecleysiinaynaa nimaadan jecleen oo dhan (Siyaasadu Malaha Saaxiib Joogto Ah ee Waxa Ay Leedahay Dano Joogto Ah), waa su’aalle XAGEE danteena joogtada ah ku jirtaa?

Gabagabadi, runtii aniga shaqsiyan wali waxaan aad rajo weyn uga qabaa dhamaan qodobadii Heshiiska iyo Nabadda Jubbaland ee la gaaray, waxaan kaloo kalsooni buuxda ku qabaa dhamaan Siyaasiyiinta Beesha Sade ee nooga qaybgalay Heshiiskaas haddii ay yihiin kuwii Muqdisho ka yimid iyo haddii ay yihiin kuwii horey ugu sugnaa magaalada Kismaayo, sidaa awgeed qof walbaa oo kamid ah beesha Sadena waxaan ugu baaqayaa inuu qaato fikirkaas aan qabo oo kale, haddii fikir ka duwan ugana dano wanaagsan beesha Sade uu hayana inuu dadkiisa la wadaago si loola qaato, haddiise uu fikir ka wanaagsan hayn soo ma haboona inuu  SHUUSH SHUUSH SHUUSH Afkiisa iyo adinkiisba uu xirto dadkiisana dhinac ka raaco.

Beentiyo runtuba waa dhaw bay, kala baxaayaane
Aan baxnaanino xaajada halkii, badhida loo saaro


Shanta qaaradood waxaa ka riday, qayladiyo buuqa
Waxaa qamarka guudiyo hawada, qaraxa loo saaray
Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka qaataaye

Wabilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg