Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida oo la horkeenay raggii dadka ku laayay magaalada Baydhabo

0

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow oo Khamiistii gaaray Magaalada Baydhabo, ayaa wuxuu durbaba uu gelinki dambe ee Khamiistii uu u fariistay dhageysiga dacwad ciqaabeedkii loo haystay lix nin, kuwaa oo shan ka mid ihi ay Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay xukun dil ah.

Eedeysanayaasha oo rafcaan ka qaatay xukunkaasi oo afar ka mid ihi uu ku dhacay 12-kii bishii la soo dhaafay ee March, ayaa waxaa loo baahday in markale dacwadoodu ay qaado Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Ragga la horkeenay Maxkamadda ee xukunka dilki ihi lagu xukumay, ayaa waxaa afar ka mid ihi loo haystaa weeraradii 28-kii bishii February ka dhacay Magaalada Baydhabo, laguna dilay in ka badan 50 qof. Ninka shanaad ee dilka lagu xukumay, ayaa ahaa askari ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo Maanya Fuulka Baydhabo ku dilay nin ganacsade ahaa, oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Gedo. Wuxuuna dilkaasi gaystay 10-kii bishii March.

Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed, ayaa ah afarta nin ee hadda gacanta lagu haayo, loona xukumay tobonaanka qof ee lagu dilay Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale Maxkamadda ka soo muuqday C/qaadir Cali Maxamed oo saddex sano ay ku xukuntay Maxkamadda Darajada 1-aad, ka dib markii lagu helay in garaash uu ka hawlgalaayay lagu soo diyaariyay weeraradii qaraxyada loo adeegsaday, ee rayidka lagu laayay. Ninkaasi wuxuu rafcaan ka qaatay xukunkii hore.

Saraakiisha Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Maxkamadda horkeenay cadeymo iyo qiraal ku cad in dadkaasi ay ka masuul ahaayeen laba weerar, oo siyaabooyin kala duwan loogu qaaday maqaaxiyado ku yaala Bartamaha Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa intaasi ka dib ku dhawaaqay inuu xiran yahay kulankaasi, isla-markaana ay maalmaha soo socdo go’aan ka gaari doonaan dembiyada dadkaasi loo haysto.