PUNTLAND “dadka soo gala deegaanadeena baaritaano ayaan ku sameynaa”

0

Taliyaha boliiska maamulka Puntland C/risaaq Afgaduud ayaa waxa uu ka hadlay xaalada guud ee Puntland.

C/risaaq Afgaduud ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Waxaana uu tilmaamay in deegaanada maamulka Puntland aan la iska soo gali karin, isagoo sheegay in dadka soo gala Puntland ay baaraan sidoo kalena ay weydiiyaan sharciyada ay ku joogaan Puntland.

Afgaduud ayaa sheegay in horey ay u xireen dad fara badan oo ay ka shakiyeen, waxaana uu tilmaamay in markii dambe ay Odayaal damiin ahaan u sii daayeen.

Maamulka Puntland ayaa maalmahan waxa ay wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.