Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay muddo labo bilood in lagu kordhinaayo xilligii Doorashada ay dhici lahayd

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa shaaca ka qaaday in muddo labo bilood lagu kordhinaayo Waqtiga Doorashada la filaayay in dalka Somaliya ay ka dhacdo.

Sida qorshaha Doorashada ahaa waxa ay dhici laheyd Doorashada Bisha September ee sanadkan, balse sida muuqata waxa ay dhici doontaa Dabayaaqada sanadkaan, maadaama Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in muddo labo bilood ah lagu kordhinaayo Xilligii balanta Doorashada aheyd.

Isaga oo la hadlaayay Tv-ga Dowlada SNTV wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Guddoonka Baarlamaanka ay ka wada hadleen muddo labo bilood ah in la siiyo Xildhibaanada si ay u sameeyaan Olole, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay ila tahay hadii Baarlamaanka si dhaqsi leh u guda galo arintaan, hadii ay taasi dhacdo waxaan rajeynayaa in si dhaqse ah ku guda galo doorashada waqtigeeda waa ku dadaaleynaa in aan isla waqtiga ku saleyno, hadii ay dhacdo iyadoo la shaqeynaayo farsamo ahaan wax yar ku darsoomaan muhiim waxaa ah in aan waqti iska qaadin, waa jirtaa aniga iyo Guddoonka inaan ka wada hadalnay in labo bil la siiyo Xildhibaanada si ay olole u sameeyaan, qadarin weyn ayaa siineynaa hadii dib u dhacno wax badan dib uma dhici doono 2016 gudaheed ayay doorashada ku dhaceysaa.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uusan si toos ah u shaacin in muddo labo bilood ah lagu kordhiyay Doorashada, hadana wuxuu hadalkiisa ku iftiimiyay in lagu kordhinaayo.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya oo hada Sharciyo badan ay horyaalaan, ayaanan ahmiyad siinin Sharciga ku aadan Doorashooyinka, Dastuurka Qabyada iyo arimaha muhiimka u ah in doorashooyin dalka ay ka dhacaan, halka Xildhibaanada ay  ku mashquuleen Shuruuc aanan hada muhiim aheyn.

Lama oga sida Maamul Goboledyada dalka ka jira ay ku aqbali doonaan in labo bilood lagu kordhiyo Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo.