R/wasaaraha “Baarlamaanka ayaa la horgeynaa qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran”

0

Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ka qeyb galay Barnaamij ka baxa warbaahinta dowladda ayaa waxa uu ka hadlay shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee dhowaan Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

Waxaana uu sheegay in qodobadii ka soo baxay shirkaas ay horgeyn doonaan dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe.

Waxaan uu tilmaamay in shirkaas uu marayo meel wanaagsan,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in la dhameystiro, iyadoo wali ay jiraan Waxgarad dhaliilsan shirka ka socda magaalada Jowhar.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku dadaaleysaa sidii loo dhameystiri lahaa shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.