Sarkaal ciidan oo lagu dilay Degmada Baardheere iyo ninkii dilay oo la qabtay

0

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa galabta lagu dilay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalana gacanta lagu dhigay ninkii dilay.

Sarkaalkan, ayaa waxaa dilay askari ka tirsanaa Ciidankii Xoogga ee bishii July Ururka Al Shabaab ka saaray Degmadaasi Baardheere, oo ah Degmada ugu wayn ee Degmooyinka Gobolka Gedo.

Dilka Sarkaalka, ayaa yimid ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay askarigan, iyadoo daqiiqado ka dibna uu askarigaasi shan xabadood ku dhuftay ninka Sarkaalka ah.

Ciidan kaloo ka ag-dhawaa goobtaasi, ayaa waxaa suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan askariga dilka gaystay, waxaana uu iminka ku xiran yahay xabsi ku yaala Degmadaasi.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Gaabow, ayaa wuxuu ahaa Sarkaal ka tirsanaa qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Guutadeeda 9-aad.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu xaqiijiyay dilka Sarkaalkaasi iyo in gacanta lagu soo dhigay askarigii dilka gaystay.

Korneyl Aadan Rufle, ayaa sidoo kale sheegay in la baaraayo sababta rasmiga ihi ee ka dambeysay dilka Sarkaalkaasi, marka laga soo taggo khilaafka la’ogyahay inuu soo kala dhexgalay.