Shabakada Wararka Allgalgaduud oo heshay qaar ka mid ah Sawiro laga soo qaaday Xukunkii Maanta ka dhacay Magaalada Beydhabo

0

Shabakada Wararka Allgalgaduud.com ayaa heshay qaar ka mid ah Sawiro Saakay laga soo qaaday Xukunkii dilka ahaa ee lagu riday ragii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beydhabo.

Dadka saaka maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ay xukuntay ayaa Afar ka mid ah waxa ay yihiin rag loo haystay soo abaabulida Qaraxyadii ka dhacay Baydhabo ee dadka badan ay ku dhinteen, halka ruuxa kalena uu yahay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo qof shacab ah dilay.

Afarta Nin ee la xukumay ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed, iyadoo uu jiro ruux Shanaad oo ka maqan gacanta Maxkamada, kaasi oo isagana dil toogasho ah maxkamada ay ku xukuntay.

Sidoo kale Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday C/qaadir Cali Maxamed oo loo haysto inuu wax ka ogaa Abaabulka Qaraxyadaasi, maadaama uu ku sugnaa Garaashkii lagu soo diyaariyay Qaraxyada, waxaana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

1 2 3 4