DHAGEYSO:- Tahriibiyaal ay doon kula qallibantay Biyaha Soomaaliya iyo Yemen oo la geeyay Dekeda Boosaaso

0

Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa  92 qof oo tahriibayaal ah, oo doontii ay saarnaayeen ay mudo 5 cisho ah dul sabeynneysay  badda u dhexeysa Soomaaliya iyo dalka Yeman, kadib markii ay xumaatay doonidii ay la socdeen sida saraakiisha Puntland ay sheegeen.

Waxaa la xaqiijiyey in dadkaasi oo u badan Ethiopian uu soo bad baadiyay markab ka tirsan kuwa isbahaysiga NATO ee ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad badeeda.

Dadkan tahriibayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa 7 qof oo Soomaali ah oo ay ku jirto haweeney uur leh iyadoo 85 kalena ay u dhasheen dalka Itoobiya.

Dadka u dhashay dalka Ethiopia ayaa ka tahriiba xeebaha Puntland, iyadoo ciidamada amaanka Puntland marar badan ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan tahriibayaal badan oo doonayey in ay ka baxaan magaalada Boosaaso, kuwaas oo isugu jiray Soomaali iyo Ethiopian.

Hoos ka Dhageyso Codka:-