TOOS JOWHAR:- Shirka Jowhar oo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan

0

Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in  rajo fiican laga qabo shirka Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka in dhammaan Odayaasha tabashadooda wax laga qabtay islamarka kuwa aan weli shirka ka soo qeyb  galin  loo saaray guddiyo soo xalliyo arrimahooda.

Hase ahaatee Nabadoon Maxamed Yacquub oo ka mid ah ergooyinka ku sugan Jowhar ayaa sheegay in shirka fashil uu qarka uu saaran yahay laguna soo kala dareeri rabo sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan go’aamiyay muddo 45 cisho gudahooda in lagu soo dhiso maamulka Jowhar, laguna xalliyo dadka wax tabanaya.