TOP DHAGEYSO: Maamulka Hiiraan “dowladda way ka sii jeedaa dhismaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

0

Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada gobolka Hiiraan oo haatan ku sugan magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in ay aheyd maamulka Hiiraan iyo Shebeellaha Dhexe dhismihiisa in xilli hore la dhamaeystiro, iyadoo uu sheegay in khilaafaadyo hoose ay jireen.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ka sii jeedaan dhismaha maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Xuseen oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in maamulkan ay dhisto ka hor inta aan la gaarin Bisha Agoosto.

Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa in mudo ah hareeyay khilaaf badan, iyadoo madaxda dowladda ay aad isaga daba laa laabteen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen waxgarad qaadacay shirka maamulka loogu dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO