TOP DHAGEYSO:- Wasiiru dowlaha gaashaandhigga oo kormeeray Ciidamada Barre Hiiraale

0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Difaaca ee ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa maanta xeryaha ay ku jiraan ciidamadii Bare Hiiraale dhowaan laga xareeyay deegaanka Goobweyn ee magaalada Kismaayo waxa uu ku booqday xeryaha ay ku jiraan oo ku yaalla madgaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa la hadlay ciidamada isagoo u sheegay in looga baahan yahay in ay qaataan tababar ku filan kaas oo ay uga mid noqonayaan ciidanka xoogga dalka.

Dhowaan ayaa ciidamo ka tirsan kuwa uu hogaamiyo Bare Hiiraale ee ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo, waxaana la geeyay gudaha magaalada Kismaayo kadib markii wadahadal uu dhexmaray qaar ka mid ah saraakiisha Bare Hiiraale iyo maamulka Jubbaland.

HALKAAN KA DHAGEYSO