TOP NEWS:- Baarlamaanka Galmudug oo masuuliyiinta maamulkaas kala xisaabtamaya dadka ay xasuuqeen Liyu Police

0

Xildhibaan Cabdi Xaashi Jaamac oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada maamulkaasi ay kula xisaabtami doonaan dowlad Goboleedka Galmudug dadka shacabka ah ee ay xasuuqeen Ciidamada Liyu Police.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdi Xaashi in aysan ka Baarlamaan ahaan u dul qaadan doonin  dhibaatada loo geysto shacabka ay matalaan ee sida uu sheegay lagu soo weeraray deeganadooda.

Mudane Cabdi Xaashi Jaamac ayaa daboolka ka qaaday in dhawaan ay uga yeerayaan fadhiga Baarlamaanka Galmudug  qaar ka tirsan Golaha Wasiirada maamulkaasi si ay wax uga weydiiyaan dhibaatadaasi loo geystay shacabka Galmudug ee degan xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia sida uu yiri.

Hadalka Xildhibaankaan ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisado dad rayid ah waxyeello ba’an ka soo gaartay ay ka taagan yihiin qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, waxaana dowlad deegaanka Soomalida Ethiopia oo Ciidamadooda lagu eedeeyay in ay dhibaateeyeen shacabka deegaanadaasi ay sheegeen in iyaga looga soo duulay dhanka Galgaduud, ayna weeraro ku soo qaadeen Al Shababa iyo Ciidamada maamulka Galmudug oo is garabsanaya sida ay yiraahdeen.