TOP NEWS:- Daacish oo ugu dhaqaalo badan kooxaha ka dagaalama Soomaaliya iyo Warbixin laga soo saaray

0

Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo ayaa la sheegay in uu yahay hogaanka ugu sareeya daacish-ta ku sugan geeska Afrika,waxaana la sheegay in kooxdaas ay heysta dhaqaalo ka badan midka soo gala Al-shabaab.

Sida lagu daabacay Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalada  London dalka Britain  Sheekh Cabdiqaadir Muumin ayaa ka soo tagay  dalka Britain kadib markii ay Sirdoonka dalkaas  ay baaritan ku bilaabeen Cabdiqaadir iyo ragga oo kale oo lagu tuhmaayey in ay ka tirsan Kooxda dowladda islaamka ee Daacish.

Daacish-ta ku sugan Soomaaliya ayaa sanadkii hore shaacisay in ay go’ay Xarakada Al-shabaab,islamarkaana ay ku bireen kooxda Daacish,ayna ka amar qaadan doonaan hogaamiyaha  ugu sareeya ururka Alqaacida Abuu Bakar.

daacish-ta Soomaaliya  ayaa badan kood ku sugan deegaano ka tirsan maamulka   puntland,waxaana  la sheegay in ay tahay koox heysta dhaqaalo fara badan,islamarkaana ay kooxdaas leedahay ilo dhaqaalo oo badan.