TOP NEWS:- Madaxa howlgalka AMISOM: Waxaan xirnay Saraakiil ka tirsan Al Shabaab

0

Madaxa howlgalka AMISOM, Francesco Madeira oo Xaalada Soomaaliya warbixin ka siinayay Golaha Nabada iyo Amaanka ee Midowga Afrika ayaa waxuu uga hadlay guulaha laga soo hooyay howlgalka AMISOM.

Danjire Madeira ayaa waxuu sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku guuleysteen in Xarakada Al Shabaab ay ka saaraan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Waxuu sheegay in goobaha lagala wareegay Al Shabaab in lagu wareegay Maamulada hoostaga Dowladda Soomaaliya.

Isagoo warbixintiisa sii wata ayaa Madaxa howlgalka AMISOM waxuu tilmaamay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dhowr Sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Francesco Madeira ayaa waxuu amaanay Dalalka Ciidamadoodu ku yaboohay Soomaaliya, si looga adkaado Xarakada Al Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Hadalka Madaxa AMISOM ayaa waxuu imaanayaa Xili Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagu eedeeyo in ay isaga baxaan goobaha ay ka qabsadaan Xarakada Al Shabaab, iyadoona xusid mudan in Shalay ay dib uga soo baxeen Degaanka Janaale ee Gobolka Sh,Hoose.