TOP NEWS:- Midawga Africa oo ka fiirsanaya sii socoshada hawlgalka AMISOM.

0

Warbixin lagu qoray bogga wakaaladda wararka Anadoliya ee dalka Turkiga madaxda midawga Africa ayaa ka fekeraya sii socoshada hawlgalka ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ka wadaan dalka Soomaaliya.

Warbixntaan waxaa lagu sheegay in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay culeysyo badan la kulmeen ciidamada AMISOM kuwaasoo dhinacyo kala duwan kaga imaanayay.

Marka loo eego Sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay boqolaa Askari oo ka tirsanaa hawlgalka AMISOM ayay Al-Shabab ku dileen weeraro ay ka geysteen saldhigyo ay ku lahaayeen Leego, Jannaale iyo Ceel-Cadde oo ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Gedo.

Dhibaatada soo gaartay ciidanka AMISOM waxaa ay keentay in dawladaha soo diray su’aalo badan laga weydiiyo sida ay suurto gal ku tahay inuu sii socdo hawlgalka ayaa lagu yiri warbixinta lagu qoray maanta wakaaladda Anadoliya.

Muwanga Kivumbi oo ah sharci dajiye ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa aaminsan in xaaladda Soomaaliya ka taagan aan awood ciidan kaliya lagu xalin karin ciidamadoodana  culays ku qabaan hawlgalka AMISOM.

“Ciidamo ajanabi ah nabad kama dhalin karaan wadan siyaasad ahaan u kacsan waana taas tan aan u leeyahay xalka Soomaaliya awood ciidan oo kaliya uma bahna” ayuu yiri Muwanga Kivumbi oo baarlamaanka Uganda ka tirsan.

Kivumbi waxaa uu aaminsanyahay in Soomaaliya ay tahay meel ay halis badan kala kulmaan ciidamada ajanabiga ah waxana uu tusaale usoo qaaatay askartii dawlada Maraykanka Muqdisho looga dilay sanadkii 1993,kii.

Dawladaha beesha caalamka ayuu ku xildhibaankaan Ugandeska ku eedeeyay inay daawanayaan xaaladda Soomaaliya oo ay ka yihiin jilayaal maldahan sida uu yiri halka Al-Shababna ay shaqada wadaaan sidaa darteed loo baahanyahay in laga fiirsado sii socoshada hawlgalka AMISOM.