TOP+UPDATE:- AMISOM oo dalbtay in la ciqaabo Maalgaliyayaasha Al Shabaab

0

Wakiilka gaar ah ee Ururka Midowga Afrika, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco  Madeira ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in la ciqaabo Dadka dhaqaalaha ku taageera Xarakada Al Shabaab.

Danjire Madeira Francisco ayaa waxuu sheegay Kulan Dalka Jabuuti dhawaan ay ku yeesheen Madaxda Dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya in ay isku raaceen ciqaabida maalgeliyeyaasha Ururka Al Shabaab meel-kasta oo ay joogaan.

Dhinaca kale, Wakiilka gaar ah ee Ururka Midowga Afrika ayaa waxuu sheegay howlgalka AMISOM ee lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab in uu wajahayo ay caqabado ay ka mid tahay dhaqaalo yari.

Wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ka dalbaday Beesha Caalamka in la raadiyo dhaqaalo dheeraad ah si buu yiri looga guuleysto Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Danjire Madeira Francisco ayaa cod-dheer ku sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab ee ka socda Dalka Soomaaliya.