DHAGEYSO:- Hay’ada UNHCR oo Booliska Kenya ku wareejisay Gaadiid lagu ilaaliyo xeryaha Qaxootiga Dhadhaab

0

Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka u qaabilsan UHNCR ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Gaadiid loogu talagalay in lagu ilaaliyo ammaanka Xeryaha Qaxootiga ku wareejiyay Booliska Gobolka Waqooyi bari ee Dalkaasi.

Guddiga Qaxootiga UNHCR ee Qaramada Midoobay ayaa ugu deeqay Booliska Kenya 10 Gaadiid oo ah nooca Booliska, si arrintaasi ay uga caawiso ilaalinta ammaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo xuduuda Gobolka Waqooyi bari.

Wakiilka UNHCR u qaabilsan Waddanka Kenya Raouf Mazou ayaa sheegay in Gaadiidkaan loogu talay Saraakiisha ammniga, si ay ugu sahlanaato inay suggaan ammaanka gudaha iyo hareeraha Xeryaha qaxootiga.

“Mas’uuliyadeenu waxa ay tahay in aan bixino taageerada lagama maarmaanka ee loo baahan yahay, si sare loogu qaado nabadda Qaxootiga” ayuu yiri Raouf Mazou xilli uu Gaadiid Ciidan ku wareejinayay Madaxa ammniga Gobolka Waqooyi bari Maxamed Saalax.

Sidoo kale Gaadiidkaan Booliska, waxaa loo adeegsan doonaa, fududeynta iyo galbinta gargaarka beni’aadanimo iyo howllaha kale ee sharci fulinta, marka loo baahdo.

Isku dubaridaha dhinaca ammniga ee Gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya Maxamed Saalax ayaa dhankiisa sheegay in Gaadiidkaan ay uga faa’ideysanayaan ammaanka Gobolka oo uu xusay in uu soo hagaagayay 10kii bilood ee la soo dhaafay.

“Gaadiidkaan waxaan sidoo kale u isticmaali doonaa ka hortaga dambiyada ka dhaca gudaha Xeryaha iyo in aan yareeno cabsida ay dareemayaan Bulshada” ayuu yiri.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro dhiig badan uu ku daatay ka fuliyay Gobolka Waqooyi bari oo uu ka mid yahay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 Qof, waxaana tan iyo markaasi socday dadaallo lagu adkeynayo ammniga gobolka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-