WAR DEG DEG:- Madaxweyne Gaas oo ku sii jeeda Boosaaso

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii ugu dambeeyey Safaro shaqo ku maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laaban doono deegaanada Puntland, gaar ahaana madaarka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Gaas ayaa soo laabashadiisa laga dareemayaa magaalada Boosaaso, iyadoo ay dadweyne badan goor horeba iskugu tageen madaarka magaaladaas, si ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha & Wafdiga la socda.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadli doonaa safarkiisii uu ku tagey wadamada Itoobiya & Sacuudiga oo ay arrimo badan ka wada hadleen.

Madaxweyne Gaas ayaa maalmaha uu joogo magaalada Boosaaso wuxuu dhagax dhigi doona dhismaha qeybta Labaad ee garoonka Boosaaso,taas oo ah talaabo horey loo qaaday, maadaama balanqaadyadii horey u jiray ay soo dag-degaan.

Dhismaha Teriminalka cusub ee Garoonka Boosaaso & Mashaariic hor leh oo la dhagax dhigi doona ayaa qeyb ka ah balan-qaadkii Madaxweynaha Puntland ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka lagu hormarinayey.