XOG:- Cabdi-Samad Maxamed Gallan iyo Madaxweyne Gaas oo la dhex dhexaadinayo

0

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in waxgaradka gobolka Bari iyo Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku wajahan Magaalada Boosaaso kulamo wda qaadan doonaan.

Waxgaradka sida khaaska ah ula kulmi doono ayaa ah, kuwa uu ka soo jeedo gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdi-Samad Maxamed Gallan oo in dhawaalaba khilaaf soo shaac baxay uu kala dhexeeyo Madaxwayne Gaas.

Xilliyo kala duwan oo kulamo ay wada qaateen Madaxwayne Gaas iyo waxgaradka Gobolka Bari ayaa wax najiito ah ka soo bixin kulamadaasi.

Ma cada kulamadaasi inuu goob-joog ka ahaan doono Cabdi-Samad Maxamed Gallan.