XOG:Shirka Beesha Mareexaan Iyo Dowladda Kenya Maxaa Looga Hadlayay? Iyo Shirka Oo Beri Soo Gaba-gaboobaya. (Waxbadan Ogoow).

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena magaalada Nairobi gaar ahaan kuwooda ku sugan madasha shirka Beesha Mareexaan iyo Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in shirkan uu yahay mid guul iyo horumar laga gaaray.

Ilo wareedkeena ku suga madasha shirka ayaa waxa ay sheegayaan in shirka looga hadlay sadex qodob aad muhiim ugu ah danaha beesha Mareexaan iyo Dowladda Kenya kuwaas oo kala ah sidan.

1- In deegaanada Beesha Mareexaan ay ka dagan yihiin gudaha dalka Kenya iyo deegaaada ku yaal xuduudaha ay la wadaagaan Soomaaliya in la gaarsiiyo horumar dhan walba ah lagana qaado xayiraadaha saaran.

2- In Dadka kasoo jeeda beesha Mareexaan ee dagan gudaha dalka Kenya ay helaan amaba qaataan sharciga Kenya (Kabaandhaha) iyagoo aysan qabiilo kale damiin ka ahayn,Islamarkaana ay helaan xuquuq la mid ah xuquuqda ay haystaan dadka kale ee  ku nool dalka Kenya.

3- In si wadajir ah loola dagaalamo ururada Argagixisada ah ee Nabadda iyo Nolosha u diiday dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo dowladdaha deriska la ah.

Shirkan ayaa noociisa ah shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Beesha Mareexaan iyop Dowladda Kenya, waxaana lagu wadaa in dhamaan qodobadaas kor ku xusan leysla qaato maalinimada beri ah oo uu shirka soo gaba-gaboobayo.

Dhinaca kale shirka ayaa dhanka beesha Sade waxaa uga qayb galay Siyaasiyiin mug leh, Odayaal dhaqan iyo Ganacsato, halka dowladda Kenya ay uga qaybgaleen Wasiiro iyo Saraakiil sare oo ka tirsa mas’uuliyiinta dalkaas.

Isku soo wada duuboo waxaa lagu wadaa in shirka uu soo gabagaboobo maalinta beri ah, waxaana laga soo saarayaa war murtiyeed aad u farxad galin doona dadka kasoo jeeda Beesha Mareexaan ee daga qaar ka mid ah deegaanada dalka Kenya.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media