DHAGEYSO:- Ragii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Beydhabo oo xukun dil ah lagu riday

0

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida oo ku guda jirtay Dhageysiga Dacwad la xiriirta eedeysanayaashii loo haystay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo 28-kii Bishii February, ayaa saaka xukun ku riday dadkii loo haystay arimahaasi.

Dadka saaka maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ay xukuntay ayaa Afar ka mid ah waxa ay yihiin rag loo haystay soo abaabulida Qaraxyadii ka dhacay Baydhabo ee dadka badan ay ku dhinteen, halka ruuxa kalena uu yahay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo qof shacab ah dilay.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow, ayaa ku dhawaaqay in Afarta ruux ee loo haysto Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo 28-kii Bishii February, afartoodaba lagu xukumay dil toogasho ah.

Afarta Nin ee la xukumay ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed, iyadoo uu jiro ruux Shanaad oo ka maqan gacanta Maxkamada, kaasi oo isagana dil toogasho ah maxkamada ay ku xukuntay.

Sidoo kale Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday C/qaadir Cali Maxamed oo loo haysto inuu wax ka ogaa Abaabulka Qaraxyadaasi, maadaama uu ku sugnaa Garaashkii lagu soo diyaariyay Qaraxyada, waxaana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

Dadkaan ayaa xukunka maanta lagu riday waxa uu ka dambeeyay, kadib markii ay racfaan horay uga qaateen Xukun ay ku riday maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida.

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale dil ku xukuntay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo qof shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo.

Xukunadaan ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow oo Baydhabo ku sugan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-