YAAB: Beelaha Soomaalida Waxay Dhaheen “Beesha Mareexaan Lama Shiri Karto Kenya, Beelaha Soomaalida Intooda Kalena Waa La Shiri Karaan Kenya”.

0

Waxaan aad iyo aad ulla yaabay markaan arkay sida ay dadka Soomaalida ah u fakarayaan ama ay aad uga xun yihiin shirkii dhexmaray Beesha Mareexaan iyo Dowladda Kenya.

Ugu horeyn Aniga oo ka anba qaadaya fikirka dadka Soomaaliyeed iyo sida ay u fakarayeen maalmihii lasoo dhaafay ayaan waxaan soo aruuriyay xuuraanta iyo firkadahooda.

Beelaha (Daarood)

Dadka kasoo jeeda Beesha Kablalax haddii ay yihiin qurbajoogta shirkan waxa ay u arkeen inuu ahaa mid beesha Mareexaan xargaha ay ku xir xireen isaga fureen, waxa uuna ku reebay cabsi siyaasadeed oo aad iyo aad u xoogan.

Shirka inta uu socday Waxa ay xirteen qadad telefoono (teleconference), qadadkaas waxa ay isugu jireen kuwo u furan dadka oo looga doodayay shirka iyo kuwo qaas ahba, dhamaan qadadkaas telefoon (teleconference) waxay ku muujinayeen dareenkooda iyo walwalka ku aadan sida Beesha Mareexaan uga bad baadeen qorshihii shirqool ee ay dagsadeen.

Walwalka ay muujinayeena waxaa kamid ahaa

* Mareexaan shaabadi xagjirnimo ee aan ku dacweyn jirnay waa soo afjareen.
* Mareexaan waxuu nala soo galayaa mashruuca la dagaalanka xagjirka, waana la qalabaynayaa Hub iyo Gaadiiba.
* Mareexaan caawa dagaal hadduu ka rido magaalada Kismaayo Kenya garab nama siineyso.
* Mareexaan seebey ku dhacday in sidan dhaqsada ah ay uga soo kabsadeen jabkii siyaasadeed iyo kala qaybsanaanti soo gaartay.
* Mareexaan haddaan si deg deg ah looga hortagin meelo fog fog oo kale ayay gaarayaan iwm.

Beelaha Hawiye

Dadka kasoo jeeda haddii ay yihiin qurbajoogta shirka waxay u arkeen nasiib daro ku habsatay Soomaali marba haddii maanta Mareexaan Dowlad kamid ah dowladdihii deriska ahaa ay la shirayaan iyagoo kaligood ah, in ay soomaalinimadii dhimatay oo ba’a iyo hoog uu ku dhacay Soomaaliya.

Walwalka ay muujinayeena waxaa kamid ahaa

* Mareexaan hadduu la shirayo Kenya Soomaali maanta ayay jabtay.
* Mareexaan Wadaniyiin ayay ahaayeen maxaa heerkan gaarsiiyay.
* Mareexaan inay dagaalka sii wadaan ayay ahayd.
* Mareexaan waa tooseen, waana fahmeen qiyaamada.
* Mareexaan inay la shiraan Kenya waxaa sabab u ah Xasan Sheekh Maxamuud, in hawiye iyo Mareexaan kala fogaadaana isagaa sabab u ah oo raacay garabna siiyay dad aan dan u hayn midnimada Soomaali.

Beelaha Isaaq

Dadka kasoo jeeda haddii ay yihiin qurbajoogta shirka waxay u arkeen mid dan u ah Mareexaan ayna ahayd in mar hore ay gartaan danahooda ugana bad baadaan shirqoolada loo dhigay oo aysan ku daba lumin dadkaan, in Mareexaan leysugu tagay maantana ay yihiin dad nasiib badan oo ka bad baaday shirqoolkii loo dhigay.
Walwalka ay muujinayeena waxaa kamid ahaa

* Mareexaan 25 sano ayaa gawda lagu hayay, oo aan isugu tagnay, waa binni aadam xaq ayayna u leeyihiin inay kacaan.
* Mareexaan Soomaalinimo waa lagu dilay, Urur Diimeed waa lagu dilay, Gacansaar dowladdo shisheeyana waa lagu diley baga hadda inay wax fahmeen oo kaceen iwm.
* Mareexaan waa dadka ugu gobsan Soomaali balse waxba ma fahmaan anaga iyo iyagana waa leysku kaaya diray.

Dhanka Dowladda Federaalka.

Shirkan Nairobi waxa uu fashil weyn ku ahaa dowladda Federalka ah gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dadkii taageersanaa iyo kuwii kasoo horjeedayba ay isku raaceen in iminka uu yahay nin fashilmay marba haddii qabiiladii si gaar ah ulla shirayaan dowladdihii deriska ahaa, kalana xaajoonayaan danahoodi gaarka ahaa, iyadoo dowladdii ay lahaayeena dadka Soomaaliyeedna uu Xasan Sheekh nacsiiyay amaba si foolxun ugu adeegsaday danihiisa gaarka ah si uu iyaga ugu gumaado.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku dhacday dharbaaxo xun oo siyaasadeed saas oo ay tahayna waxna waa u dhiman yihiin.
Waxaan maqli jiray duco ahayd (Afar Haamood dhexdood Allaha ku gasho, markaad nafta u yaabtana Allaha kuu yasiro) dadaalo iyo dagaal fara badan kadib waxaad maanta moodaa in beesha Mareexaan ay garteen dantooda, maadaamada inbadan ay xeerinayeen Soomaalinimada iyo midnimada Soomaaliya looguna geystay tacadiyo iyo xaq duudsiin fara badan, haddii ay noqon lahayd xiliyadii jabhadaha hubeysnaa, ururo diimeedki iyo kuwa imika sheeganaya dowladda federaalka ah, haddaba waxba maanta ha oranin Beesha Mareexaan Lama Shiri Karto Kenya, Beelaha Soomaalida Intooda Kalena Waa La Shiri Karaan Kenya. (Laga Bartaa Laga Badi)

Saas oo ay tahay wali intaan ogahay Beesha Mareexaan waa beel sabir iyo dulqaad fara badan u leh Islaanimada iyo Soomaalinimada,marnaba laguma xanto cadaalad daro iyo cadow Soomaaliyeed kal kaalidiis, waxaana aaminsanahay inaysan marnaba shalay iyo maantaba ka tanaasuleyn labadaas, balse Soomaalida waxay ku maah maahdaa (Dhagar Qabe Dhulkaa La Dhaqaaqa) iyo ( Daalimka siduu yahay ayuu moodaa dadkoo dhan), kuwa aaminsan in Mareexaan Soomaalinimada xumaantooda darteed ay uga tanaasulayaan waa dad aan aqoon badan u lahayn beesha Mareexaan.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqayaa beesha Mareexaan anigoo ogsoon sida beelaha qaar Soomaalida ah u fakaraan ama sameeyaan inaysan Beesha Mareexaan u fakareen ama sameynayn, inay danahooda gaarka ah raacdaan, cidnana aysan u joojin danahooda sidii ay ku gaari lahaayeen, islamarkaana dhoowraan midnimadooda sharaftooda iyo mida guud ee Soomaaliyeed, unna turaan beelahan Soomaalida ah ee maanta hooga iyo ba’a sheegaya islamarkaana qaylinaya ee u badan wax magaratda ee danaha guud ee dadka Soomaaliyeed ku doorsanaya danaha beelahooda u gaarka ah.

Soomaali waa Kuma

Sinnaantaan la magac ahay
San-ku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarreyn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
Soomaali baan ahay!

Ninna madax salaaxiyo
Kama yeelo seetada
Sasabo ma qaayibo
Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha celin
Soomaali baan ahay!

Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sarriigtaa
Sacabbada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadowgayga lama simo
Soomaali baan ahay!

Socdaalkaygu waa meel
Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa caan
Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga suran
Soomaali baan ahay!

Nin I sigay ma nabad galo
Nin isugeyna maba jiro
Libta weli ma sii deyn
Gardarrada ma saacido
Nin xaq lehna cid lama simo
Soomaali baan ahay!

Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddaan ka salalaa
Soomajeesto goobaha
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo
Soomaai baan ahay!

Dabayshaan la socod ahay
Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan ahay
Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa
Soomaali baan ahay!

Ninkaan taydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Sandulleynta ma oggoli
Ninna kabaha uma sido
Soomaali baan ahay!

Ninka Iga sed roonow
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana oran sasabo badaw
Dareen seexda ma lihiye
Somaali baan ahay!

Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal,
Rag baa beri I saanyaday
Anoo xoolo soofsada,
Xil midnimo anaa sida,
Soomaali baan ahay!

Wabilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg