50 Kun oo dad rayid ah oo ku go’doonsan magaalada Falluujah

0

In ka badan 50 kun oo qof ayaa hay’adaha samafalku sheegeen inay ku go’doonsan yihiin magaalada Fallujah oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dawlada Ciraaq iyo kooxda isku magacawda khilaafadda Islaamka ee Daacish.

Inkastoo dadkii ugu badnaa ay magaalada iskaga baxeen maaalintii shalay haddana hay’adaha gar gaarka ayaa sheegay in dad badan ay ka bixiyeen oo ay magaalada ku go’doomeen.

Ciidamada dawlada Ciraaq ayaa magaalada dhawr jiho ka degay oo hareereeyay waxaana hadda adag in magaalada laga baxo.

Afhayeen u hadlay hay’adda qaxootiga Norway ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda dadka magaalada ku go’doonsan.