Abaanduule Cismaan Qorax “Shabaabka Ramadaanta anaga ayaa ku cibaadeysan doona”..

0

Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya ee aaga Baardheere ayaa sheegay Bisha Ramadaan, Shabaab inay ku cibaadeysan doonaan oo ay kordhin doonaan weerarada ay ku qaadayaan Shabaabka.

Waxa uu sheegay Shabaabka inay dhalinyarada ku marin habaabiyaan kordhinta weerarada inay cibaado tahay Bisha Ramadaan, balse hada ciidamada Dowladda ay u diyaargaroobeen sidii Shabaabkaasi ay u weerari lahaayen.

Wuxuu sheegay inay ka feejigan yihiin weerarada wuxuushnimada ah ee Shabaabka Bisha Ramadaan ciidamada ay la beegsadaan.

“Laakiin waxaan leenahay Maadaama ay soo dhawdahay Bisha Ramadaan oo bil cibaado ay tahay, iyagana waxyaabaha ay umadda ku marin habaabinayaan ay tahay in Bisha Ramadaan dhibaatooyin ay geystaan, anaga ayaa iyaga ku cibaadeysan doona, ciidamadana waxa ay og yihiin in Cibaadada Shabaabka ay ku jirto.” Ayuu yiri Abaanduulaha.

Xoogaga Shabaab ayaa Bisha Ramadaan, waxa ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, iyaga oo dhalinyarada u sheega in Cibaado ay tahay kordhinta weerarada Bisha Ramadaan.

Magaalooyinka ay joogaan ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa laga soo sheegayaa feejignaan la xiriirta dhanka ammaanka oo loogu diyaargaroobay Bisha Ramadaan.