Agaasimaha Idaacada Goob Joog oo la sii daayay ka dib markii Maanta la xeray

0

Agaasimaha Idaacada Goob Joog FM Xasan Maxamuud ayaa dib u helay xuriyadiisa isaga oo aan wax dacwo loo heysan sida ay sheegtay Idaacada.

Barta Twitterka ee Goob Joog FM ayaa lagu soo qoray in Agaasimaha Idaacada ay siidayen saraakiisha Hey’adda CID.

Idaacada Goobjoog ayaa shalay wareysatay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug, oo ku xirnaa Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho.

Arimaha loo xiray ayaa loo maleynayaa inay sabab u tahay Wareysiga ay ka qaadeen Idaacadaasi Xildhibaankaasi ku xiran Xarunta CID ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka dalka ayaanana xaqdhowrin madax Banaanida Saxaafadda, iyadoo ciidamada ay tacadi kula kacaan dadka u warama Bulshada ee Suxufiyiinta.