AKHRISO:- C/weli Gaas oo wada qorshihii ugu dambeeyay ee isku shaadheynta Golaha Wasiirada ee Maamulkiisa

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmihii dambe waday qorshe uu ku doonayo inuu isku shaandheyn ku sameeyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee Maamulka Puntland.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiiro badan ay saameyn doonto isku shaandheynta Xukuumada cusub ee C/weli Gaas oo aan wali la shaacin.

Isku shaandheynta lagu sameynayo Xubnaha Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa lagu sheegay sidii kor loogu qaadi lahaa shaqada maamulka Puntland, loona dar-dargelin lahaa shaqada maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa latashiyo la yeelanaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Camey, maadaama ay sidaasi tahay sida sharciga ah, waxaana Golahan cusub aad loo saadaalinayaa in ay xubno ka noqdaan shaqsiyaad si weyn looga yaqaano gudaha Puntland.

Wixii soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com..