DAAWO:-Gudoomiye Jawaari oo sheegay inuu guddi magacaabayo iyo doodii oo la soo gaba gabeeyay

0

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen xarunta golaha shacabka , waxaana ay kaga hadleen dood ku saabsan qorshaha xukuumadda ee doorashooyinka la filayo in sanadkaan ay ka dhacan Soomaaliya oo barlamaanka u soo gudbiyey Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Xildhibaanada oo dooda hanaanka doorashada u guda galay maalintii shalay ahayd ayaa aaragtiyo aan kaga fogayn ka qabay qorshaha doorashada ee xukumadda federaalka ay u soo gudbisay golaha.

Guddoomiyaha barlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka maanta shir guddoomiyey ayaa  tilmaamay in  Gudoonka baarlamanku uu magacaabi doono guddi Xildhibaano ah  oo ka shaqeyn doona  abuurista mashruuc  sharci qeexaya in dalka ay ka dhacdo doorasho  dadban.

Dhamaan xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa intii ay ku guda jireen dooda hanaanka doorasho waxa ay ka simanaayeen in aysan jiri doonin wax layiraahdo muddo kordhin.

Shalay ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay kulan nuucaan oo kale ah ku yeesheen xarunta golaha shacabka waxaana ay kaga doodeen doorashada dalka ka dhaceysa sanadkan 2016-ka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-