Akhriso Tirada Xubnaha Beesha Hawiye ka Heleyso Aqalka Sare

0

Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland, Waxaase faahfaahin faahfaahin dheeraad ah ka soo baxday qaabka beelaha waaweyn u kala heleen xubnaha aqalka sare ka mid noqonaya.

Xubnaha Madasha qaarkood ayaa xogtan bixiyay iyadoo la qoray xubnaha beel kasta kasoo gaaraya Aqalka sare marka lagu saleeyo heshiiska ay dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka gaareen.

Haddaba xubnaha Beesha Hawiye ka heleyso Aqalka sare ee Baarlamaanka 2016 ayaa noqonaya sida soo socota:

XUBNAHA BEESHA HAWIYE KA HELEYSO

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA 2016

MAAMULADA XUBANAHA

Galmudug 6

Hiiraan & Shabeelaha Dhexe 7

Jubbaland 1

Banaadir 0

Wadarta Xildhibaanada 14

Tani waxay ka dhigan tahay in Beesha Hawiye haddii heshiiska Madasha Qaran lagu dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay ku yeelan doonto ku dhowaad 26% xubnaha guud oo gaaraya 54 xubnood.

Guud ahaan tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:

Maamulada Tirada xubnaha

Somaliland 11

Puntland 11

Galmudug 8

Shabeele/Hiiraan 8

Banaadir 0

K/Galbeed 8

Jubbaland 8