Al-shababkii ugu badnaa oo gaaray Kenya iyo cabsi xoogan oo jirta

0

Wararka laga helayo ilaha sirdoonka Kenya ayaa sheegaya in tiro badan oo dagaalamayaasha Al-shabab ay gudaha u galeen dalkaasi Kenya iyagoo ka baxay Soomaliya.

Warbixinadu waxa ay leeyihiin ragaasi ayaa duhurnimadii Axada ahayd ka gudbay Tuulada Surgow oo dhinaca xadka Soomaliya iyo Kenya ku taala waxana tiradooda gaareysay 45-dagaalame.

Booliska ayaa ka digay waxyeelada kooxdaasi geysan karaan waxana ay isku qeybiyeen koox kox si ay u qorsheeyan weeraro ka dhan dowladda Kenya.

Koox ka kooban 13-qof ayaa u jiheesatay dhinaca Gumarey,kuwa kale waxa ay aaden degaanka Konton iyo kuwa kale oo qabtay Gerille.

Sirdoonka ayaa u sheegay laamaha amaanka inay galaan fejignaan aad u sareysa ayna si dhab ah u qaataan digniinta soo baxday.

Gudoomiyaha Wajer Maxamed Sheekh  ayaa wakaalada wararka ee AP u xaqiijiyay run ahaanshiyaha warkaasi.

Waxa uu yiri “waa sax in ragaasi ay xadka Kenya kasoo talaabeen waxana cadadkooda lagu qiyaasay ilaa 50-qof”.

Waxaanan la ogeyn hadii ay laamaha amaanka Kenya ay xaaladaasi cabsida la tacaamulayaan.