Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo si weyn loo adkeeyay

0

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada NISA la soo dhigay wadooyinka hormara Madaxtooyada.

Ciidamada ayaa wadada horumarta xarunta Madaxtooyada Somaliya waxa ay ku jareen gaadiidka Cabdi Bilaha ah ee ciidamada ay wataan, waxaana la diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka yar yar.

Waxa ay fasaxayaan ciidamada gaadiidka wata kaararka aqoonsiga Xubnaha Dowladda la shaqeeya, waxaana laga celinayaa halkaasi dadka rayidka gaadiidkooda.

Sababta ammaanka Xarunta Madaxtooyada loo adkeeyay ayaa ah in Shirka Madasha Wadatashiga Qaran lagu wado in lagu qabto Xarunta Villa Somaliya.

Shirkaan oo ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa lagu wadaa in labo cish uu ka socdo Magaalada Muqdisho, iyadoo looga hadli doono arimaha ku aadan Doorashooyinka iyo Dhismaha Aqalka sare ee dalka.

Madaxweyne Xasxan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan Xeer Madaxweyne wuxuu ku ansixiyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee hor yaalay Baarlamaanka Somaliya.