DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo si kulul ugu hadlay dagaalada ka soconayo gobolka Hiiraan

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe”  ayaa ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la joojiyo colaada maalmihii dambe ka taagneyd Xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland in Madaxda Maamul goboleedyada dalka loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan joojinta colaada ka taaagan gobbolka Hiiraan.

Mudooyinkii dambe waxaa Xaafada Howl Wadaag ee Magaalada Baladweyne ka taagnaa dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada daga gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-