Ban Ki Moon oo kala hadlay Kenya in aysan Xerin Xeryaha Qaxootiga

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Bank-Moon  oo ka qeyb galaya Shirka Arrimaha Beni’aadanimada ee ka dhacaya dalka Turkey ayaa la kulmay  Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutto oo uu kala hadlayo inaan la xirin Xeryaha Qaxootiga dalkaas ee Dhadhaab iyo Kaakumo.

Kenya ayaa sheegtay  in ay xireyso Xeryahaasi Qaxootiga oo ay ku qoontay kadib markii ay sheegtay in looga soo abaabulo weeraro ka dhan ah ammaankeeda.

Walow ay wada kulmeen Xoghaye Ban Ki Moon iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Rutto ayaa hadana waxa uu mar kale ku celiyay Rutto in aysan ka noqon doonin dowladdiisa go’aanka ay xeryahaas ku xireyso.

Dhinaciisa Ban Ki Moon  ayaa hoosta ka xariiqay in aysan ka daali doonin sidii Kenya uga raaridi lahaayeen in aysan xerin Xeryahaasi Qaxootiga oo uu sheegay haddii la xiro in dhibaatooyin beni’aadanimo ay ka dhalan karo maadaama ay ku nool yihiin Nus Malyuun qof oo Soomaali ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhawaan in ay Ergo xaqiiqo raadin ah u dirayaan Xerada Dhadhaab kuwaas oo ay hoggaaminayaan ku xigeenka Xoghayaha Guud iyo Madaxa laanta gargaarka ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.