BIG NEWS: Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Gaas iyo Wafdiga ka socday MSF ?

0

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wafdi balaaran oo ka socday Hey’adda aan xuduuda lahayn ee MSF.

Wafidgaan oo ka koobnaa Dakhaatiir ayaa kala hadlay Madaxwayne Gaas sidii loo dardar gelin lahaa adeegyada caafimaad ee Hey’addu ka fuliso guud ahaan deegaanada Puntland.

Mus’uuliyiintaan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii loo laba jibaari lahaa iskaashiga kala dhaxeeya maamulka Puntland iyagoo dhanka kalana balan qaaday in ay dhawaan deegaanada Puntland kasameyn doonaan Xarumo loogu talo galay Xanaanada Hooyooyinka Iyo Dhalaanka.

Madaxweynaha Puntlanad C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Hay’adda MSF shaqada ay uqabteen shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Gaas ayaa ugu danbayntii ku booriyay Hey’adda MSF in ay sii laba jibaaraan adeegyada caafimaad ee ay kasameeyaan guud ahaan goboladda Puntland iyo Waliba guud ahaan Soomaaliya.