DHAGEYSO:- Biriq dad ku dhaawacmeen oo dhacday Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka

0

In ka badan 40 ruux oo badankood ay carruur yihiin ayaa ku dhaawacmay biriq ku dhacday meel barxad ah magaalada Paris iyo garoon  ku yaalla dalka Jarmalka.

Biriqda ayaa ku dhacday xaflad dhalasho oo ka dhaceysay Parc Monceau, magaalada Paris; waxaana halkaa ku dhaawacmay 11 ruux oo carruur u badan, saddex kamid ah ayaa xaaladdoodu liidataa.

Carruurtan ayay biriqdu ku dhacday xilli ay ku gabanayeen geed; halka biriq kale oo ku dhacday dalka Jarmalkana ay saameysay carruur dheeleysay ciyaar kubadda cagta ah; waxaana halkaa ku dhaawacmay 35 ruux oo ay dad waaweyn ku jireen.

Qof goob-jooge ah ayaa sheegay in cirka uusan daruur lahayn oo uu ahaa laf-cir ama buluug xilliga biriqdu kusoo dhacday garoonka ciyaarta oo gabagabo ah.

Garsoorihii ciyaarta ayaa kamid ahaa saddex ruux oo dhaawac culus ka soo gaaray biriqda; halka 11 carruur ah iyo labo waalid uu dhaawac fudud soo gaaray lana dhigay isbitaal.

Roob culus oo ka da’ayay magaalada Paris ayaa baajiyay ciyaar kamid aheyd tartanka teniska ee loo yaqaan French Open; waxaana kulankan lagu waday inay isaga horyimaadaan horyaalka ciyaarta Teniska ee daafacanaysa koobka Serena Williams iyo Kristina Mladenovic.

Hoos ka Dhageyso Codka:-