Ciyaaraha Olympicada oo dib loo dhigayo ka dib markii la arkay qatar Cudurka Zika ah

0

Duqa magaalada, Rio de Janeiro, Eduardo Paes, ayaa diiday baaq uga yimid in ka badan boqol qubaro caafimaad oo caalami ah,

Qabiiradan ayaa doonaya in la badalo ama dib loo dhigo ciyaaraha olympicada sababo la xiriira qatara ka imaan kara xanunka Zika ee ka dilaacay Brazil.

Paes ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Zika ay dareen xooggan u hayso magaaladda caasimada ah ee Rio.

Wuxuu sheegay in kumanaan shaqaale caafimaad ay la socdaan xaaladda oo sheegay in baaristana la kordhiyay.

Iyadoo goob kasta oo ciyaarahan lagu qabanayo ay leedahay koox ciribtireysa kaneecada.

Mar sii horeysay ayey WHO sidoo kale sheegtay inaysan jirin sabab loo joojiyo ciyaaraha,

WHO waxay sheegtay in tallaabada ceynkaas ah aysan celin karin faafista Viruska.