C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo Maanta ku soo wajahan Muqdisho

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada  ayaa lagu wadaa inuu Maanta soo gaaran magaalada Muqdisho sida wararka ay sheegayan.

Cabdiweli Gaas ayaa la xaqiijiyay in saakay uu ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho sido kalena waxa la filaya iney soo gaaran Muqdisho madaxda kale ee maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo uu ka soo dhoofay Magaalada Kismaayo oo uu ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.

Kulan deg deg deg ah ayaa la sheegayaa iney qaadan doonan madaxdan inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxyaabaha ay ka wada hadli karaan.