DAAWO:- Ciidamo Mareykan ah oo ka bar bar dagaalamaya Kurdiyiinta oo lagu arkay Waqooyiga Suuriya

0

axaa markii u horeysay la soo bandhigay Sawirrada Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka oo ka bar bar dagaalamaya Ciidamada Kurdiyiinta iyo xoogaga kale ee dagaalka kula jira kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga IS.

Sawir qaade ka tirsan Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa soo bandhigay sawirada Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka oo ku labisan dareyska Ciidamada Kurdiyiinta.

Ciidamadan ayaa lagu arkay meel 30 mile u jirta magaalada Raqqa oo ay ku xoogan yihiin Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS.

Askarta ayaa diiday inay warbaahinta la hadlaan, waxaana ay ka wal walsanayeen in lagu ag arko ciidamada Kurdiyiinta oo ka dagaalamaya furimaha dagaalka.

Warbaahinta Caalamiga ah ayaa sheegeysa in ciidamada khaaska ah ee Mareykanka ay ka qeyb qaadanayaan howl galka looga saarao Kooxda IS magaalada Raqqa, halkaasoo ah xaruntooda ugu weyn.

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u weerartay Mareykanka, kadib markii la baahiyay sawirro ciidamo Mareykan ah oo ka bar bar dagaalamaya Kooxaha Kurdiyiinta ka dagaalama Suuriya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu yahay labo wajiile, isagoo xusay in aan la aqbali karin tallaabada ay uga qeyb qaadanayaan howl galka.

Mareykanka ayaa qirtay in illaa 300 askari oo tababarayaal ah ay ku sugan yihiin waqooyiga Suuriya, hase ahaatee waxaa uu beeniyay in aanay ka qeyb qaadaneyn dagaalada tooska ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

33 44 55 66 77 88 10 11 22