Daawo: Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Deeq gar gaar ah oo ka timid Turkiga

0

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Markab siday Deeq gar gaar ah oo ka timid dalka Turkiga.

Wasaaradda arimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaana deeqdan ka gudoontay dowladda Turkiga iyo hey’adaha gar gaarka.

Waxaana deeqdan ay tahay mid gar gaar ah oo loogu talagay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha ka jira dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Dekada Muqdisho ayaa sheegay in gar gaarkan uu yahay mid wanaagsan sidoo kalena Soomaaliya ay ubaahneed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gar gaarkan ay si deg deg ah ku gaarsiin doonto dadka ay saameeyeen abaaraha.

Wasiiru dowlaha dowladda Soomaaliya C/rashiid Xidig oo warbaahinta kula hadlay Dekada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay si weyn ugu mahad celinyaan maadaama xilligii gar gaarka loo baahnaa ay la soo gaartay dadka ay fatahaadaha ku dhufteen.

Gobolada qaar ee dalka ayaa waxaa ku dhuftay abaaro baahsan iyo sidoo kale fatahaad uu sameeyay Wabiga

Shabeele.

 

2- 3- 4- 5- 6- 7-