DAAWO:- Isku dhaca dhex maray Shacab Banaan bax sameynayay iyo Ciidanka Puntland+Sicib bararka xoog leh oo ka jira deegaanada Puntland

0

Magaalada Garowe ee caasumada Puntland waxaa  maanta ka dhacay banaan-bax sababay isku dhac dowlada iyo shacabkii isu soo baxay, kaasi oo salka ku haya sicib bararka ka jira deegaanada Puntland, isagoona ka dhacay afaafka hore ee aqalka Baarlamanka.

Dadkii isku soo baxay oo u badnaa haween ayaa gabi ahaanba xiray wadada hor-marta baarlamanka, isala markaana masuuliyiintii wadadaasi marayay is hor istaagay.

Shacabka isu soobaxay ayaa ka cababanay Lacagta “Shanta-boqol” oo ay sheegeen in xukuumada Puntland gabi ahaanba mamnuucday isticmaalkeeda, taasina ay sababtay sicirbarar, balse warsida Puntlandtoday oo masuuliyiinta degmada la hadlay ayay beeniyeen joojinta lacagtani.

Dadkii banaanbaxayay oo la hadlay Puntlandtoday ayaa sheegay in ujeedada halkani ay isugu yimaadeen ay tahay baarlamanka inay u gudbiyaan cabasho ka dhan ah xukuumada.

Maamulka Gobolka, agaasimaha wasaarada arimaha gudaha iyo taliska Bolice-ka oo goobtasi soo gaaray ayaa isku dayay  inay ka eryaan dadkii banaan-baxay iyagoo adeegsanaya ciidamo, balse taasi kuma guulaysan oo waxaa dhacay is rasaasayn.

Taliska Bolice-ka ayaa haween farabadan u tixaabay xabsiga, balse weli kama hadlin sababta loo xiray haweenkaasi.

Ugu danbayntii Xildhibaano ka socda Baarlamanka Puntland ayaa shacabka ka codsaday inay dejiyaan xaalada, isla markaana ay iska soo xulaan gudi, kuwaasi oo ay ka hadli doonaan cabashadooda.

HALKAAN KA DAAWO