DAAWO:- Maalinta Nadaafada Caadada oo laga xusay maanta magaalada Jowhar

0

Maalinta Nadaafada Caadada (Mensural Hygiene Day) ee 28ka May ayaa laga xusay maanta magaalada Jowhar iyadoo hay’ada IMC ay u qeybisay 1500 oo haween ah agab caafimadka haweenka u gaar ah.

Haweenka loo qeybiyay agabkan caafimaad ayaa waxa ay ka kala yimaadeen afarta xaafadood ee magaalada Jowhar ka kooban tahay iyo haweenka barakacayaasha ah.Sidoo kale agabkan caafimaad ee haweenka u gaarka ah ayaa loo qeybiyay gabdho waxka barta dugsiyada magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur ayaa uga mahadcelisay hay’ada IMC iyadoo ku tilmaantay hay’ad taariiqda geli doonto gabdhaha gobolkana ay weligood xusuusan doonaan.

“Deeqda maanta ay hay’ada IMC na soo gaarsiisay waxay tahay mid baahida dhabta ah ee haweenka ka tarjumeysa,waayo weli hore uma aanan arag hay’ad keentay agabka ay haweenka u isticmaalaan nadaafada caadada ku dhacda iyo weliba nadaafada guud,”ayay tiri marwo Sacdiyo Maxamed Nuur.

Sidoo kale Marwo Faadumo Shiikh Xasan oo ah Madaxa Caafimaadka Dumarka IMC ayaa kala hadashay gabdhaha wax ka barta dugsiyada gobolka Sh/dhexe maalinta Nadaafada Caadada (Mensural Hygiene Day)  iyadoo kula talisay inay dhowraan nadaafada baahidoodana aysan la xishoon.

Agaasimaha Mashruuca Caafimaadka ee hay’ada IMC Mr Liibaan Maxamed ayaa sheegay in ay horey bulshada reer Jowhar iyo gobolka ay u hayeen Howl Caafimaad oo ay hada ka shaqeeyan 2 Bukaan socod eegto oo ku yaala Magaalda Jowhar dhexdeeda iyo hal bukaan socod-eegto oo ku taala Tuulada Gololey oo Nadaafada Caadada (Mensural Hygiene Day) Koonfur-Galbeed 27km kaga beegan Degmada Jowhar iyo Lix Goobo Caafimaad oo aasaasi ah oo kula yaala lix tuulo oo ku hareereysan Jowhar laakiin tani waa tahay markii ugu horeysay ee laga xuso Maalinta Nadaafadaa Caadada (Mensural Hygiene Day) magaalada Jowhar maalintaasna ay tahay mid caalamka oo idil la isku xusuusiyo qiimaha ay haweenka leeyihiin iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay helaan caafimaad dhinac walba oo noloshooda ah.

Maamulaha Mashruuca Caafimaadka ayaa xusay in hadafka hay’adu uu yahay in la baro hablaha yar iyo kuwa dan yarta (Barakacayaasha) muhiimada Nadaafda Caadada ay leedahay iyadoo ka hor tageysa dhibaatooyin caafimaad oo ay keeni lkarto habka ay hada isticmaalaan dadka danta yar iyadoo sidoo kale ay jiraan dad awooda hadana aan ogeyn waxaa kaloo uu xusay ine jiri doonto mar kale oo ay sidaan ugu qeybin donaan bisha Juun hadii Ilaah Yiraahdo, Mar walba waxaan diyaar unahay in aan ka jawaabno baahida bulshada intii karaankeena ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5 6 7 8 10 11