Daawo: Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo Nairobi gaaray

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa si weyn Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Nairobi ugu soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee dalka.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa mudooyinkii dambe wuxuu ku sugnaa dalka Sacuudiga, halkaasi oo uu kula kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo dalkaasi ah iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif Axmed, ayaanan la ogeyn ujeedka socdaalkiisa magaalada Nairobi, hayeeshe waxaa suuragal ah in qorshaha uu yahay in uu uga soo gudbo magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dalka dhowr bilood kadib, iyadoo ay socoto qaban qaabada la xiriirta arimaha Doorashooyinka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho waxaa ugu dambeysay markii talada dalka looga guuleystay, kadib doorashadii dhacday sanadkii 2012-ka.

3 1 2