DAAWO:- Meydka Marwadii Madaxweynihii hore Kenya oo Magaalada Nairobi laga dejiyay

0

Maydka Marwadii hore ee Madaxweynihii dalka Kenya Muwi Kibaki Mama Lucy Kibaki ayaa laga soo dejiyay Saaka aroortii Garoonka Diyaaradaha ee Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Meydka Marwadii hore ee Madaxweynihii dalka Kenya waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha, iyadoo halkaasi uu goobjoog ahaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Marwadii hore ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay Talaadadii,xili lagu dabiibaayay cisbitaalka Bupa Cromwell ee Koonfur Galbeed London.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in Saddex maalmood hoos loo dhigaayo Calanka dalka Kenya, tacsida Marwadii hore ee Madaxweynihii hore ee dalka Kenya.

Muwi Kibaki Madaxweynihii hore ee dalka Kenya oo murugo ay ka muuqato ayaa laga dhex arkaayay Muuqaalada Sawirada ah ee laga soo qaaday.

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in Aas Qaran dalka Kenya loogu sameeyo Marwadii hore ee Madaxweynihii dalka Kenya Muwi Kibaki.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Lucy Lucy-2 Lucy-3 Lucy-5 Lucy-6 Lucy-7 Lucy-8 Lucy-9