DAAWO MUUQAAL XASAASI AH:- Buuq Xoogan oo maanta ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaanada oo si weyn isugu khilaafsan Xil kaqaadistii Ilka Xanaf

0

Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa siwayn isugu khilaafsan xilkaqaaditii shalay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu ku sameeyay Gudoomiyihii Maxkmada Sare ee Dalka Caydiid Ilka Xanaf.

Kulankii Baarlamaanka oo ahaa maanta mid deg deg ah oo laga yeeshay xil kaqaadistii ilka xanaf ayaa buuq iyo sawaxan hareeyay kadib marii Baarlamaanka intooda badan ay sharci daro ku tilmaameen wareegtadii xilka loga qaaday AVV Caydiid Ilka Xanaf.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulanka Baaralmaanka ee maanta ayaa sheegtay in Wareegtada Madaxwaynaha ay tahay mid sharci daro ah Hay’adaha Garsiirkana aan wareegto xilka looga qaadi karin.

”Hadii Wareegtadaan socoto waxaa ku xigta in Berri Baarlamaanka Qaranka Wareegto lagu kala diro mana ahan arrin la aqbali karo” Ayay tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Buuq iyo Saxawan ayaa hareeyay fadhiga Baarlamaanka, waxaana tani ay noqotay mid caado ah marka ay yimaadaan khilaafyada siyaasadeed.

HALKAAN KA DAAWO