DAAWO:- Qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga

0

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay Magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga, waxaana ka dhashay Khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray dad halkaasi  ku sugnaa.

Qaraxan wuxuu ka dhacay Banaanka hore Xarun Boolis oo ku taal magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga, iyadoo dad ka badan 10 ruux ay ku dhaawacmeen.

Booliska waxa ay xaqiijiyeen hal ruux oo ciidamada Booliska ka tirsan inuu ku dhintay Qaraxaasi, iyo dhaawaca 14 ruux oo kale.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse magaalada Gaziantep oo ku dhow soohdinta Turkiga uu la wadaago Suuriya, ayaa waxaa la sheegaa in ay ku sugan yihiin xubno taabacsan ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.

Booliska waxa ay wadaan baaritaanka ku aadan gaarigaan qarxay iyo halka laga keenay markiisi hore.

Gaadiidka gurmadka deg deg ayaa goobta ka daadgureeyay dadkii dhaawacyada kala duwan ay ka soo gaareen Qaraxaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Turkiga Turkiga-1 Turkiga-2 Turkiga-3