Daawo Sawirada: Fatahaada Wabiga Shabeelle oo wali sii socota

0

Waxaa xaalad cakirnaansho ah ay sii galaysaa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo biyaha Wabiga ay si aad ah ugu fatahayaan gudaha magaalada Beledweyne.

Dadkii ku noolaa magaalada Baledweyne ayaa intooda badan isaga barakacay magaalada waxaana ay miciin bideen inay tagaan deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada Baledweyne.

Dad fara ku tiris ah oo ku haray Magaalada ayaa bilaabay inay boorsooyinkooda ka qaataan magaalada, kadib markii ay ka quusteen oo ay ka rajo dhigeen Xaalada magaalada, maadaama Wabiga uu weli sii wado fatahaada.

Inta ugu badan Bulshada reer Hiiraan ee magaalada ka barakacay ayaa isugu tagay deegaanka Ceel Jaale oo ay ka sameysteen Guryo cooshado ka sameysan.

Dadka reer Baledweyne ayaanan helin wax gurmad ah tan iyo markii ay magaalada ku habsatay masiibada haysata ee ah fatahaada Wabiga uu sameeyay iyo dagaaladii ka dhacay Xaafada Howlwadaag ee magaaladaasi.

Ciidamada Jabuuti iyo ciidanka Xooga dalka Somaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa sameynaya gurmadka ugu badan ee dadka ay ugu gurmanayaan gaadiidka magaalada ay uga daadgureynayaan.

6 1 2 3 4 5