DAAWO SAWIRADA:- Ra’isal Wasaare ku Xigeenka Dalka oo koormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada Sare ee Dalka

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada aya Maanta waxa ay koormeereen goobaha lagu qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sare ee Dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa goobihii uu koormeeray markii uu gaaray waxa uu mid mid u galay fasalada ay ardayda ku jiraan ee Imtixaanka lagu qaadayo, waxaana uu ardayda u qeybiyay imtixaanka Shahaadiga, kuwaasi oo uu u rajeeyay inay guuleystaan, kuna dadaalaan waxbarashada.

19,112 arday (Sagaal iyo toban kun, boqol iyo toban iyo labo arday) ayaa maanta u fadhiisatay guud ahaan imtixaanka shahaadiga ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

vlcsnap-2016-05-28-14h34m23s51 vlcsnap-2016-05-28-14h36m00s235 vlcsnap-2016-05-28-14h38m10s13 vlcsnap-2016-05-28-14h38m38s52 vlcsnap-2016-05-28-14h38m50s165 vlcsnap-2016-05-28-14h41m10s35 vlcsnap-2016-05-28-14h41m21s142 vlcsnap-2016-05-28-14h41m34s15 vlcsnap-2016-05-28-14h42m04s52 vlcsnap-2016-05-28-14h42m19s210