DAAWO SAWIRADDA: Sare kac xoogan oo laga dareemaayo Qiimaha Khudaarta Suuqyada Muqdisho

0

Sare kac xoogan ayaa laga dareemayaa xilligaan qiimaha lagu kala iibsado Khudaarta Suuqyada Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka Magaalada ku nool ay hadal hayaan Sare kaca ku yimid Khudaarta.

Sababta ugu weyn ee sare kacan dhalisay ayaa ah Biyaha Wabiga Shabelle oo guray, inkastoo bishan Bishii aan soo dhaafnay gudaheeda si wanaagsan biyaha Wabiga ay u yimaadeen, hayeeshe intii ay maqnaayeen Biyaha Wabiga, Beeralayda Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha hoose wax ma aysan beeran.

Qiimaha lagu kala iibsado Suuqyada Magaalada Muqdisho, Yaanyada, Basbaaska, Baradhada Basasha iyo Muuska ayaa sare kac xoogan laga dareemayaa.

Siciido Mahdi Cismaan waa mid ka mid ah ganacsatada iibisa Yaanyada waxa ay sheegtay in xilligan dhibaato xooggan ay ku qabaan ganacsiga yaanyada maadaama isbedel xooggan uu ku yimid qiimaha la iibinayo tanagga (Gasaca/koombada) yaanyada ah.

“Qiimaha ugu macquulsan ee xiligan la iibin karo yaanyada waa lacag dhan 50 kun oo shilinka Somaliga ah, tanagga yaanyada suuqyada Muqdisho wuxuu ka marayaa qiimo dhan 500 kun oo shillinka Soomaaliga ah.” Ayyeey tiri Siciido.

Kiilada bisbaaska ah ayaa suuqyada Khudaarta xilligan waxaa ay ka mareysaa qiimo gaaraya illaa iyo 300 oo kun oo shillin Somali ah.

Loorka Baradhada Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka marayaa Qiimo dhan 4-Milyan oo Shilinka Somaliga ah oo u dhiganta lacag ku dhaw $200 Doolar.

Khudaarta kale ee Isbedelka laga dareemaayo waxaa ka mid ah Muuska, Liinta Basasha oo dadka ay ka cabanayaan Qiimaha isbedelka ku yimid.

1 2 3 4 5 7 8 9 10 11 12 13 14