Daawo Sawirrada:​Wasiir Farkeeti ayaa xalay ka qayb galay dood ku saabsan shaqa la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

0

Wasiirka Wasaarada maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa xalay ka qayb galay dood ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo looga hadlayey sida ugu haboon ee dhalinyaradu shaqo looga abuuri karo si looga hortaga tahriibka iyo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Wasiirka ayaa dooda waxaa kala qayb galay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga Maxamuud Cabdullahi Xasan Nuux, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxman Odowaa, Gudoomiyaha Degmadda Waaberi, Aqoonyaho, Ururada Dhalinyarada iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha dowaladda.

Wasiir Farkeeti ayaa aad uga hadlay talaabooyinka Wasaaradda Maaliyadu ay qaaday si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, isagoona xusay intii uu joogay Wasaaradda in uu ku guulaystay in Mushaar loo helo dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada,

“Waxaan heshiis la soo galnay soconaya mudo shan sano ah Bangiga aduunka, heshiiskaas ayaa ku qotoma in shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada la siiyo mushaar joogta ah, waxaana jira shuruudo ku xiran bixinta mushaarkaas ilaa hadana dhanka dowladdu way ka soo baxday, maamuladda goboladuna waxay ku howlan yihiin sidii loo buuxin lahaa shuruudahaas, waxaana arinkaan naga caawin in kumanan shaqaale Soomaaliyeed ah ay helaan mushaaraad ku filan oo joogta ah. Waxaa intaa dheer in Wasaaradu dhawaan bilaabayso mashruuc cusub oo uu maal galinayo Bangiga Horumarinta Africa kaas oo shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleeyda ah” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, taasna maanta meesha ka maqan tahay” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

“Dalka 72% shaqada waxaa abuuri jiray wax soosaarka Beeraha, Kaluumaysiga iyo Xoolaha, maantana arinkaas waxaa ku yimid hoos u dhac balaaran, waxaa kale dowladdu lahaan jirtay Warshado faro badan, hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray way adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada”ayauu sii raaciyey Wasiir Farkeeti

Wasiir ayaa ku booriyey dhalinyarada in ay dalkooda aaminana kana waantoobaan tahriibka,” shalay waxaa saxaafada caalamka iyo tan Soomaalida haystay gabar Soomaaliyeed oo isku gubtay Jaziiradda Nauru ee dalka Australia, iyadoo u aaday iney nolol ka fiican mida Soomaaliya meeshaas ka hesho Dowladda Australia waxay go’aamisay labo sano ka hor in qofkii magan galyo doon ah la geeyo Jaziiradaas, runtiina waxaa ka nolol fiican ku noolaansha Jaziiradaas Nauru in qofku ka shaqaysto meelaha laga qodo carro kaawada”.

wasiir 2 wasiir 4 wasiir 5 Wasiir 7 3 Wasiir 7 Wasir